Halkaan ka akhri
Waxaa xalay fiidkii hore ka dhacay xaafadado kamid Waqooyiga Magaalada Muqdisho dagaalo iyo Duqeymo is barbarsocday, kaasoo dhex maray Ciidamada Dowladda KMG oo garab ka helayay Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab, hase ahaatee  waxaa saaka lagu soo waaramayaa in xaalada  ay tahay mid xasiloon.
Balse dadka deegaanka ayaa sheegay in intii ay socdeen dagaalada iyo duqeymaha xalay ay soo wajahday xaalado cabsi ah, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen dagaaladii xalay Madaafiic iyo qoryaha daran-dooriga u dhaca.
Dhanka kale Saraakiisha Goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho waxay sheegeen xalay in la soo gaarsiiyey tiro dad rayid ah oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaaladii iyo duqeymihii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee Dowladda KMG iyo Xarakada Al-Shabaab kama aysan bixin wax faah faahin ah dagaaladii iyo Duqeymihii habeenimadii xalay ku dhex maray dhanka Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay daganaasho ay ka jirtay.
Dagaalada iyo duqeymada ka dhacaya magaalada  caasimada ee Muqdisho ayaa noqday wax iska caadi, hase yeeshee dagaaladan ayaa keena khasaare badan oo soo gaarta dad shacab ah.
Sidoo kale waxaa saaka dagaalka dhacay Xaafado ka tirsan Koofurta Muqdisho oo labadii maalmood ee u dambeeyay ka jireen xiisado dagaal oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo dhinacyada iska soo horjeeda, iyadoo dagaalka saaka lagu soo qaaday fariisin Ciidamada ku sugnaayeen.
Sida lagu soo warramay dagaalka ayaa waabarigii saaka ka dhacay Tarabuunka ee degmada Hodan, halkaasoo fariisin u ah Ciidamada Dowladda, waxaana ahaa mid hubka la isku adeegsanayay laga wada maqlayay magaalada Muqdisho oo dhan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ka dambeeyay markii Xoogaga Xisbul Islaam ay weeraro ku soo qaadeen aagagaas, waxaana saraakiil u hadashay Dowladda ay sheegteen in guulo ka gaareen.
Saraakiisha ayaa warbaahinta u sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay ka carareen Labo meyd iyo qoryo gacmeedyo, iyagoo xusay in saxaafada ay u soo bandhigi doonaan.
Dagaalkii saaka ayaa si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalada taxanaha ah ee ay ku baaqeen Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda oo iclaamiyay dagaal ay ugu tala galeen bisha Ramadaan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkii saaka ayaa daba socda dagaal culus oo maalin ka hor magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Xisbul Islaam, kaasoo geystay qasaare aad u fara badan oo dad rayid soo gaaray.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.