Halkaan ka akhri
Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG Soomalaiya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka warramay Qorshaha ay dowladda ka damacsan tahay in ay maamulkeeda ku garasiiso gobollada dalka Soomaaliya.
RW. Cumar C/rashiid waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Qorshaha ay dowladdu ka damacsan tahay, balse tilmaamay in ay Dowladda KMG Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii Maamulka Dowladda loogu fidin lahaa guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.
Ra’isal wasaaraha oo ay saxaafadda wax ka weydiisay inay jiraan wadahadallo ay dowladda kula jirto kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dowladad iyo xubno katirsan maleeshiyaadka dhibaatada ka wada dalka, isagoo intaasi raaciyay inay Dowladdu diyaar u tahay inay wadahadal la gasho cid waliba ee ka shaqeyneysa danta Dadka iyo dalka Soomaaliya.
Dhanka kale RW. Cumar C/rashiid waxaa uu ka hadlay dowrka ay ciidamada dowladda ka qateen la dagaallanka kooxaha ka soo horjeeeda oo kaashanaya Ajaaniibta dalka kusoo duushay ayuu carabka ku dhuftay in ay ciidamadu dadaal xooggan u galeen inay dalka ka difaacaan kooxo hubeysan oo weeraro qorsheysan soo qaaday islamarkaasna ay jiraan Ajaaniib faro badan oo soo gashay dalka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan Maleeshiyaadka dagallada wada.
Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa hoosta ka xariiqay in Dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomalaiya aysan ku koobneyn gudaha dalka hase ahaatee ay saameeyeen dalal ka tirsan caalamka, isagoo carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay inay Caalmaku gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa Kooxahaasi, wuxuuna R/wasaare Sharmarke ku baaqay in hal meel loga soo jeesto Argagixisada geeska Afrika.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.