Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu u joogo dalka Sudan wax lagu tilmaamay dhameystirka lacag dowladda Somalia loogu daabacayo dalkaasi, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, oo sheegay inuu lacagtaas qaarkeed haatan kula soo laaban doono somalia.
Safiirka Somalia ee Khartuum, Mahdi Abuukar Maxamuud, ayaa qaar warbaahinta ka mid ah u sheegay in Shariifka uu halkasi u joogo dhameystirka heshiis lacag daabacid ah oo Dowladaha Somalia iyo Sudan ay horey u wada galeen.
Wuxuu sheegay safiirku in isaga iyo Madaweyne Shariif ay soo booqdeen warshaddii lacagta u samaynaysay Somalia, isla markaana ay ku qanceen sida howshu usocoto, isagoo xusay in ay hadda marayso heer gebo gebo ah.
Shariif Xasan Sheikh Aadan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladda Somalia iyo Agaasimaha Madbacadda Lacagta Sudan Mohamed Al-Hassan Al-Bahi oo kala matalayay labada dhinac ayaa 11-kii January ee 2010 heshiiska lacag sameynta ah ku saxiixay magaalada Khartoum.
Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA ayaa ku warrantay in lacag sameyntaasi ay ku baxeyso 17 milyan oo Dollar oo Dowladda Somalia ay bixin doonto. 17-kaas milyan ayaa laga soo jari doonaa sida lasheegay malaayiinta Dollar ee beesha caalamka ay ugu deeqday Dowladda Somalia, iyadoo qayb yar oo kalena laga rabo in dowladda KMG ah ay ka bixiso jeebkeeda.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: M-Saadaq |
You must be logged in to post a comment.