Halkaan ka akhri
Kooxda xagjirka ah ee Alshabaab oo mudoo-yinkaan dambe ku howlanaa hirgelinta idaacado iyo Website-yo kooxda hoos taga ayaa haatan Ceelbuur ka furtay idaacaddii 4-aad oo iyaga ka amar qaadata.
Dadka deegaanka Ceelbuur ayaa sheegay inay ka maqlayaan hawada idaacadaan oo tijaabo ah, waxayna warar hoose oo shabaabka ku dhow dhow sheegeen inay tahay idaacad Muqdisho laga keenay oo ay hore u lahayd Bahda Radio Somaliweyn, haseyeeshee xoog loogala wareegay.
Horjooga yaasha Shabaab oo olole balaaran ku qaaday qeybaha Warbaahinta si ay u cabsi geliyaan una caburiyaan,waxey Xoog kuqaateen dhamaan aaladaha & War lalisyadii ay ku howl gali jireen FM-dii baahin jiray Wararka Somaliweyn, BBC-da, VoA & kuwo kale, isla markaasna laga mamnuucay dhamaan degaanada ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta Hubeysan dhageysiga wararka ay sii daayaan Idaacadahaasi,waxaana aad u sii kordhay dagaalada dacaayadeed ee u dhaxeeya Warbaahinta & Horjoogayaasha Shababka.
Laabdii sano ee lasoo dhaafay Alshabaab iyo Xisbul Islaam waxay qaadeen talaabooyin ad-adag oo ay kula dagaalamayeen warbaahinta madaxa banaan, dhowr idaacadood ayay xireen, kuwa qalabkii ayay ka qaateen, waxay soo rogeen awaamiir tiro badan oo fulintooda ku adkaatay warbaahinta qaar, dalka waxaa ka qaxay saxafiyiin tiro badan, ka dib markii ay dilal qorshaysan kala kulmeen Kooxda Shabaab.
Shabaabka oo in muddo ah ku fikirayay sidii ay u heli lahaayeen warbaahin u gaar ah waxay muddo gaaban ku dhiseen xarumo warbaahineed oo iyaga hoos taga, qalab warbaahin oo ay iyagu maamulaan, waxaa ugu horeeyey idaacada Al Andulus ee Kismaayo ku taal, oo laga xoogay HornAfrik, waxaa xigay tan Baydhabo,oo iyadana la sheegay inay laahyd HornAfrik iyadoo hadda mid laga dhisayo Degmada Ceel buur la sheegayo in Qalabkii Somaliweyn halkaasi loo raray, ugu yaraan hal idaacad oo is qarinaysa oo ay si dadban ula wareegeen Muqdisho ayey ku heystaan.
Website-yo tiro badan ayaa horey looga xiray hadana ilaa 5 ayaa si toos ah u fidiya probogaan-koodainkastoo 3 ka mid ah isqariso, waxeyna qorsheynayaan sida lagu faafifiyay bog uu dhaqdhaqaaqani maamulo fariin ka hadlaysa qorshe idaacado kale oo laga hirgeliyo meelo kale oo ay maamulaan.
Inkastoo kooxahaan xagjirka ah ay dadaal badan ku bixiyeen sidii warbaahinta dalka soomaaliya ay u aamusin lahaayen ama uga dhigi lahaayeen mid iyaga kaliya u adeegta hadana waxaa muuqata in howshaasi aysan u hirgelin sidii ay rabeen, waxaa haatan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka laga dhegeystaa Shabelle iyo star oo baahiya dhammaan wixii ay mamnuuceen Shabaabku oo ay ku jirtay idaacadda BBC oo haatan mowjadda FM-ta iyo SW looga sii daayo Shabelle iyo Star.
SomaliSwiss London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.