Dowladda Koonfur Afrika oo Maanta go’aan ka gaareysa ciidan in ay u dirto dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa Maanta lagu wadaa in ay ku go’aansato sidii ay ka yeeli lahayd dalab uga yimid AU, midowga Afrika oo looga codsaday in ay ciidan ku biiriso kuwa AMISOM ee Soomaaliya jooga si ay u caawiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom.

Golaha wasiirada dowladda ayaa u ballansanaa maanta inay go’aan ka gaaraan arrintaas iyadoo natiijadu ay u badan tahay in Xukuumadda Jacob Zuma ogolaan doonto ciidamo diristaas, sababtoo ah Koonfur Afrika oo doonaysa inay ka dhabayso hormuud nimada Afrika.

Hase yeeshee waxaan meesha ka marnayn golaha baarlamaanka Koonfur Afrika oo arrintaan u arka siyaabo kala duwan waxa ay ka yeeli doonaan go’aanka golaha wasiirada kadib.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: