DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Ciidamada Boliiska dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 32 qof oo isugu jira  Soomaali iyo Ajaanib kale, kuwaas oo loo heysto faflal Argagixisnimo.
Saarkaal u hadaly  ciidamada Boliiska ee dalkaasi  ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamadu    lagu soo qabqabtay dadkan oo lagu sheegay in ay maleegayeen howlo liddi ku ah amaanka wadanka Uganda ayadoo dhalashadooda lagu sheegay  wadamada Somaliya Kenya iyo Uganda.
Dadka la soo qabqabtay ayaa haatan lagu hayaa xabsi ku yaala magaalo ku dhow caasimadda kambala oo lagu magacaabo Nakaawa
Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Uganda  Joan Kegaazi ayaa aqriyay kiisaska 89 dacwadood oo ay ku jiraan dadkii ka danbeeyay qaraxayadii   11ki July lagu qaaday magaalada Kampala iyo sidoo kale 10 qof oo  iskuday dil ah ka sameeyay dalkaasi.
Sida laga dheehan karo Dowladda Uganda ayaa wixii ka dambeeyay qaraxyadii Kampala wadda baaritaano xooggan oo xagga ammaanka ah, Â waxaana masuuliyadda qaraxyadaas sheegtay maleeshiyada kooxda Shabaab ee dagaallada ka wada dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss   Kampala
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.