Bam gacmeed Habeenimadii Xalay lagu weeraray Saldhiga Afar Irdood ee degmada Xamar-weyne.

Halkaan ka akhri

War ay saakay qoreen  Wargeysyada ka soo baxa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  xalay Bam gacmeed  lagu tweeraray saldhiga afar irdood ee degmada Xamar-weyne, waxaa la gu soo warramay in qaraxaas  ka dhashay bamkaas uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Inta la og yahay waxaa qaraxaas ku dhintay  hal qof,  saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo  ay ahaayeen  caruur ka ag dhowaa halkaas, markii bamka lagu tuuray saldhiga, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada booliska ee saldhigaas fureen rasaas fara badan.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa degmada xamar-weyne lagu soo daadiyay ciidamo aad u fara badan oo howl galo ka sameynayay, waxaana ay qab qabteen dad fara badan oo ay xabsiga u taxaabeen.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka in qaraxaas ay saameyn xoog leh ku yeelatay dhaqdhaqaaqii dadka iyo Gaadiidka, isla markaana uu cabsi geliyay, waxaana qaraxa kadib albaabada loo laabay goobihii ganacsiga.

Degmada Xamar weyne ayaa ka mid ah degmooyinka ugu ammaanka fiican ee ay gacanta ku heyso Dowladda, iyadoo ganacsigeeda uu shaqeeyo ilaa habeenkii, balse waxaan la ogeyn muddada ay xaaladda degmadu ay caadi ku soo noqon doonto.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: