Advertisements

Heestii: Kawaankii dadka By Jooqle & Xusen Shire

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Hees Cusub oo ay soo saareen Kooxda Qeylo Dhaan: Shumacii aan shiday qeylo dhaantii aan diray haday dadki wada gaarin Diiqaba dawaca waa dili karaa Dunida maanta war dabarka iska jara oo la dirira, Qoomka diinta ku qaraabta dabadeed aniga ha la ii dilo anigoo xaqa dardaaraya.

Daljir baan ahay ka damqada dhibkoo
Damiirkaa iwada aniga damiirkaa I wada

Hadii aan doraad dambi waxaad gasheen
Diiwaan aan ku qoray dadka aan hor dhigay

Oo doodiinu tahay hadii aad nadeyn
Waa lagu dilaayaa waa lagu dilaayaa

Cirka soo dunshoo waa noo dagaal

Haaaaaaaaaaaaaa Hooooooooooo

Dibi geeso weyn Lo’da wuu dudshaa
U Diidaa harkee u diidaa Harkee

Dadka dooxateen darahood u qaxay
Ceelasha u qaxay sii daba gasheen

Dalka oo dhan ka dhigay
Kawaankii Dadka, Kawaankii Dadka

Darajada aad rabtaan waa doqonimo
Damac aad leedihiin Dunida waa ogtahay

Dalka kuwii ka dhigay Kawaankii dadka
Dalka waxa u hari kii daacad ahoo

Kii diir naxee dhiig Daadinayn
Dalka waxaa u hari shacabkaan dayacan

Daryeelkeey rabaan kii la doonayee
Deg deg wax ugu qaban

Dalka waxa u haree dantii kii rabee
Xaqa u doodayee Umadaan dayacan

Diiftiyo Dhibkiyo Gardarada ka jira

KU NOQO BOGGA HEESAHA

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: