Advertisements

K’naan oo Aduunka u muujiyay in Calanka Soomaaliyeed uu Sharaf leeyahay korna u luxay..

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Maanta waxaa xariga laga jarayaa Ciyaaraha Koobka Aduunka ee 2010-ka oo ka dhacday Soccer City ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana halkaasi ku diyaar ahaa fanaaniin caan ah oo uu ka mid yahay wiilka da’da yar ee Soomaaliyeed K’NAAN, kaas oo dad badan xalay ka yaabiyey kadib markii uu durbaanadiisa iyo dharkiisa ka dhigtay Calanka Baluuga ah ee Xidiga Shan gees leh dhexda ugu yaal.

Fanaan K’naan Warsame oo dadkii Soomaaliyeed oo xalay daawanayey bandhig faneeddka uu soo bandhigay ay qaarkood ilmaynayeen, kadib markii uu kor u qaaday Calanka Soomaaliyeed, iyadoo aduunka looga yaqaan wadanka ugu dagaalada badan uguna nabadgalyada xun xiligan, ayaa misana K’naan waxaa uu ka qaaday heestiisa Waving Flag ee uu ugu tala galay inuu maanta ka qaado garoonka Soccer City ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaana dadkii daawanayey ee ka kala yimid shanta qaaradood ee Aduunka ay durba ruxayeen calamadooda, iyagoo la dhacsanaa heesta wiilka Soomaaliyeed uu qaadayay.

K’NAAN OFFICIAL FIFA 2010 WORLD CUP ANTHEM (waving flag) [blip.tv http://blip.tv/play/h5NogsvNaAA%5D

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogsvNJgA%5D

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: