ALLAHA U NAXARIISTEE Madaxweynaha dalka Nigeria Umaru Yar’adua oo Geeriyooday..

Halkaan ka akhri

Warbaahinta dalka Nigeria ayaa laga sheegay in  Madaxweyne Umaru Yar’adua uu geeriyooday isagoo cimrigiisu ahaa 58 jir kadib markii uu mudo dheer ku xanuunsanaa wadankaas warkaas ayaa waxaa laga soo xigtay afhayeen u hadlay aqalka madaxtooyada Nigeria.

Hase yeeshee Telefishinka qaranka wadanka Nigeria ayaa sheegay in maanta oo khamiista ah uu madaxweyne ku xigeenka Nigeria si rasmi ah ugu sheegi doono dadweynaha reer nigeria Geerida ku timi madaxweynaha iyo qorshaha Cusub ee dowladda .

Madaxweyne Yar’adua ayaa ilaa November 2009kii ka maqnaa miraayadda la iska arko (tvga) iyo siyaasadda dalka Nigeria.

Umaru YarAdua oo sanadii 2007 qabtay xilka Madaxtannimada dalka Nijeria hase yeeshee  baryihii ugu dambeeyay ahaa mid ay soo food saareen xanuuno kala duwan,iyadoona mudo uu xanuunkiisa ugu maqnaa wadanka Sacuudiga taas oo markii dambe keentay in xilkiisa loo sii dhiibo madaxweyne ku xigeenkiisii Goodluck Jonathan.

Madaxweynahii Muslinka aahaa ee wadanka Nijeria Umaru YarAdua ayaa waxaa geeridiisa aad uga naxay kumanaan qof oo taageerayaashiisa ah,iyadoona haatan ay qaarkood bilaabeen in ay sii dhoobtaan deegaanka la filayo in maydkiisa la geeyo oo ku yaala waqooyiga wadanka Nijeria.

Dhanka kale waxaa tacsi u diray dadka Nigeria iyo Ehellada Marxuumka, Madaxweynayaal badan oo caalamka ka mid ah, iyagoo ugu tacsiyadeeyey geeridii ku timid madaxweynahooda, waxaana Madaxweynayaashii soo diray dhanbaalada Tacsiyada uga horreeyey Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama uu amaan gaar ah u soo jeediyay Umaru YarAdua howlihii uu qabtay intii uu hayay xilka madaxtinimada ee wadankaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: