Xildhibaano ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada degmada Dharkenley iyo Maamulka degmadaasi oo ka warbixiyey dagaaladaasi.

Halkaan ka akhri

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ioojiyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Xaalada Degmada Madiina ayaa saaka degan, kadib dagaalo labadii maalmood ee u dambeeyay ku dhex marayay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG oo hab beeleed ugu dagaalamay degmadaas.

warar kale ayaa sheegaya in Saaka ay ka socoto degmadaas waan waan iyo dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMGee isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiisha Milateriga, kuwaas oo ku soo baxay xiisada cirka isku shareertay ee u dhaxeysa Ciidamada Dowladda, taasoo salka la gashay arrimo qabiil.

Hase yeeshee Dhex dhexaadinta laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamay degmadaas ayaa la sheegay in haatan ku dhowdahay gabo gabo, waxaana maanta lagu wadaa in saraakiisha labada dhinac la isa soo hor fariisiyo.

Guddoomiyaha Deegaanka  Dharkenley ee degmada Madiina  Macalin Cabdulle ayaa ka warbixiyey dagaaladaasi ayaa rajo ka muujiyey in guud ahaan si isku mid ah loo soo afjarayo xiisadaasi.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Madiina ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Muuse Suudi inuu ku lug leeyahay dagaalada Madiina ka dhacay, isagoo xusay in khilaafka Baarlamaanka ay salka ku heyso xiisada Madiina ka aloosan.

Dagaaladii ka dhacay shalay degmada Madiina ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay dadka ku dhaqan halkaas oo u badan dad u barakacay, iyadoo dagaaladaas ay noqdeen kuwo si guud u saameysay adeegii bulshada iyo ammaankii ka jiray degmadaas

Xildhibaan Xuseen Caraale oo saxaafada la hadlay ayaa ugu baaqay Maamulka Degmada Dharkenley in ay kaalin ka geystaan xalinta qilaafaadka dhaliyey dagaalada dhex maray Ciidamada Dowladda KMG Degmadaasi, wuxuuna beeniyey eedeyn loo jeediyey oo ah in Ilaaladiisa qeyb ka yihiin dagaaladaasi “Waa been abuur Ciidamada ilaalada ii ah shaqo kuma lahan  dagaaladaasi, laakiin waxaan ku baaqayaa in la xaliyo xiisadahaasi” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraale.

Si kasta ha ahaatee dagaalada dhex maray Ciidamada Dowladda KMG Degmada Dharkenlay waxaa laga dareemay adeegyadii degmadaasi oo hakad ku yimid labadii maalin ee dagaalada socdeen.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: