Halkaan ka akhri
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay Maanta in Askar gaareysa illaa 209 oo kamida ciidamadooda ay tababar ugu soo xireen magaalada Muqdisho, waxaana Askartaasi xaflad loogu sameeyey Masjidka Nasrudiin oo ku yaala Xaafada Baar Ubax.
Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay xaflada xiritaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ciidamadan ay mudo afar Bilood iyo Dheeraad ah soo qaateen tababaro isugu jira dhowr qeybood.
Sheikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in ciidamadaasi tababarka ku soo qaateen Mucaskar loogu magacdaray C/lla Cazaam oo ku yaal gudaha Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ay kula dowladda Soomaaliya iyo caadamada AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.
Qaar kamida Askartii Tababarka loo xiray ayaa goobta ka hadlay waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin tababarada ay soo qaateen, iyadoo dhowr kamid ah Askartaasina abaalmarinno la gudoonsiiyey.
Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-Shabaab tababaro u soo xiraan Cutubyo kamid ah ciidamadooda, iyadoo ay dagaal xoogan kula jiraan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.