Ma dowlad baa dalka iyo dadka u fiican?? Mise dowlad diid ayaa dalka iyo dadka u fiican?.

Halkaan ka akhri

Ma Dowladbaa   Dalka iyo Dadka u fiican ?

Mise Dowlad diid ayaa Dalka iyo Dadka u fiican?

Waxaan ugu horeyn qormadayda ku soo qaadan doonaa waxyaabo badan oo aad ogtihiin iyo muuqaalka siyaasada soomaaliya ee aan isbedelka lahayn iyo umada soomaaliyeed laftigeeda oo aad moodo markay hadlayso iyo markay waxqabsanayso inay laba kala yihiin.

Afka soomaaliga ayaa lagu tiriyaa iyo inuu ka mid yahay afafka aduunka ugu xigmada iyo murtida badan hadaba murtidaas waxay ka soo baxdaa maskaxda umada soomaaliyeed

Waxaana isticmaala umada soomaaliyeed dhihideeda balse ku dhaqankeeda waxaad ku arkaysaa bulshada caalamka inaguse waxaan u baranaa dhawaq ahaan taas oo aan ula jeedo maadaama wax aad ogtahay aadan waxba ku qabsan karin waxaay la mid tahay waxaadan aqoon ama aadan ogayn.

Hadaba waxaan doonayaa qoraalkan oo noqon doonaa qoraal dheer inaan ku soo qaato.

Qaabka umada soomaaliyeed u hadasho iyo waxqabad la,aanteeda waxaa u dhacayaa  sheeko dhexmartay wiil iyo waalidkiis qaybta hore  ee qoraalkan  bal hadaba dhugasho iyo dheehasho wacan.

Qaxoonti iyo Qaracan  :- waa wiil  iyo aabihiis oo is wayraysanayaayaa sidan ayay sheekadu u dhexmartay.

Qaracan:- Aabe anigu waan yaabahanay mar walba waxaan maqlaa dowlad ku meelgaadha hadana kelmada ku meel gaadh waxaa laygu dhigay dugsiga waxbarshada  ama laygu fasiraa wax aan rasmi ahayn sida adiga oo safar ah oo hoteel degay si aad ugu sii meel gaadho inta aad gurigaaga ka tegayso marka goorma ayay imaanaysaa dowladii soomaaliya ee  rasmiga ahayd  oo ay dhamaanaysaa tan ku meel gaadhka ah?

Qaxoonti:- aabe maanshalaah maanta hadal waawayn ayaad ku hadlaysaa aabe waa runtaa waxaan lahaan jirnay dowlad aan ku meel gaadh ahayn oo qaangaar ah  oo dhamaystiran oo caalamka laga yaqaan oo  calan iyo sumad iyo  baasaboor iyo ciidaan iyo wasaarado iyo wax walba oo umadi yeelato leh  dowladaasi waxay dhisnayd mudo 31 sano ah waxaa u kala danbeeyay madaxweyneyaal kala duwan mid walba oo xukunka qabtaa waxaa jirtay qolo diidanayd oo lahayd  caadi maaha  ma wanaagsana iyo magacyo badan oo ay u bixin jireen.

Markaa dowladii adigu ama ha xumaato ama ha samaaato inta dowladi leedahay ayay lahayd  waa loo baas baxay oo dad kale ma burburine soomaalidaa dhibku haysto ayaa burburisay aabe dowladoodii.

Qaracan:- Subxaanaalah aabo waan arkay waxaanan ka aqristay wargaysyada soomaaliga iyo shabakadaha internetka iyo televishinada laakiin waxaan moodayay inay tahay wax aan jirin oo sida filimada hollywoodka iyo bollywoodka la sameeyay oo la leeyaahay sidaan oo kale metelaad xitaa soomaaliya waa noqon kartaa ama sheeko mala awaala markaa ma xaqiiqbaa aabe in soomaaliya dowlad lahaan jirtay  qolada diidayna magaceed aabe maxayse u diideen dowlad caalamka oodhan  ayaa leh soomaali maahee dadka kale ilaa maanta ilaa maalintaan garaadsaday waxaad leedahay dalkeena waa qurux badan yahay waxaa jooga wax walba waxa yaalo wax walba hadaan ku dhaho aan fasax aadno wadankeena oo ku soo qaadano  waad aamustaa oo waxaad dhahda hada maaha dowlad la,aan ayaa ka jirta  nabadgelyo xumaa jirta  dhibaato ayaa taal markaa maxay tahay sababta aabe dowlad loo samayn waayey ee tan hada ku meel gaadhka ah rasmi u noqon wayday.

Qaxoonti:- War yaa alle yaqaan maantaa kii yaraa dacwad ayuu banaanka isla soo taagay anigaygan wayn ayaan garanayn waxaa dowlada ku meelgaadhka  labaatanka sano  rasmi u noqon wayday iyo waxay soomaaliyi ku diiday dowladnimada  subxanaalaaha.

Aabe  dowladii hore waxaa riday mucaarad xitaa anigaa ku jiray mucaaradkeeda waxaa jiray dowlada waxaa lagu eedeeyay inay meleteri ahayd oo  hal madaxweyne mudo dheer haystay oo uu ahaa keligii taliye ama digtaytor markaa waxaa la dhahay madaxweynaha waa in markasta la bedelaa oo mid cusub yimaadaa

Dee hada waa taa maalin walba mid cusub imanayo  balse  waxba sooma kordhin oo wax dhaama kii aanu maagaynay ee la dagaalnay maanan arag aabe anagu ismaanan lahayn dowlada bedelaa waxaan is lahayn  madaxweynaha bedela markaa sidii mashiinka baabuurka dowladii oo dhan ayaa furfurnay loomana baahnayn inaan  furfurno ee madaxweynaha kaliya inaan  la hadalno oo u sheegno ilaa ama ka dhinto am aka tago ayaa fiicnayd  markaa soomaaliya waxaa meeshaas dhigay mucaarad.

Qaracan:- Haaaa  Hadaan gartay  hada kuwo dowlada ku meelgaadhka la dagaalamayaa waa mucaarad tii rasmiga ahaydna waxaa burburiyay mucaarad  soomaaliya dhibka haystaa waa mucaarad hadii mucaaradka dhamaado waa la helayaa aabe sow maaha dowlad iyo wadankeena oo nabada iyo wax kasta oo wadamada kale haystaan.

Qaxoonti:- Aabe  sax waa runtaa cudur aan mucaarad ahayn  dalkeena ma hayo waxaa jira mid kale oo mucaaradka ku hoos jira calaashaan viruska mucaaradka keena waa badan yahay waxaa ugu daran  JAHLIGA  , waxaa ku xiga QABIILKA , waxaa ku xiga DANAYSTAHA.

Markaa virusyadaas in la daweeyo oo dhakhaatiir loo helo maahee  aabe iyada oo aan kuwaas dhakhaatiir loo helin iyo dawo ilaahay keeno maahee xaajadu ma fududa. !!!

Qaracan:- Aabe waa sahlantahay hadiiba la ogyahay in cudurka dawadiisaa waayo waxaad ogtahay wax kasta waxaa  la ogaadaa dhibkiisaa marka uu dhaco waxaana la raadiyaa xalkiisa si looga badbaado sidaa awgeed  Jahliga waxaa dawo u ah aqoonta, Qabiilka waxaa dawo u ah wadaniyad, Danaysataha waxaa dawo u ah Daacadnimo, markaa bulshada soomaaliyeed intaas haday samayso dowlad ku meelgaadhka ah waxay noqonaysaa dowlad dhamaystiran oo aan ahayn ku meelgaadh dadka soomaaliyeedna waxay heliyaan meel ay dib ugu noqdaan oo wadan ay leeyihiin haddii kale waxaan noqonaynaa Falastiin oo kale waayo.

Wadankeena  hada waxaa ku dagaalamaya dhexdiisaa ajaanib  Waxaa dhacaysaa nhadii dhibka lasii wado in ajaanibkuna sii bato soomaliduna dhamaato ama yaraato ajaanibkuna sida hada muuqata waxay leeyihiin awood kooban oo soomaalida hoos tagta laakiin hadhow waxay yeelan karaan awood badan oo ay  wadankeena nagu qabsadaan  haduu xoog badan ku yeesho inuu xaaskiisa keensado dego hadhowna xuquuq kugu yeesho markaa  dadka ajaanibka ah ee mucaaradka u dagaalamaya iyo kuwo ajaanibka ah ee u dagaalamayaa dowlada ku meelgaadhka ah waxaa dhici karta hadhoow inay noqdaan awood is bahaysatada oo dadka soomaalida ah  dhib u keenta wadankeenana uu noqdo wadan maafiyada aduunka oo dhami isku bahaysato saldhigyona ka samaysato.

Qaxoonti:- Aabe waxaan ku waydiiyay maanta waabad iga yaabiisee ma iskoolka waxbarashada ayaad lagugu soo dhigay waxaan mise adigaa maskaxdaada ka keenay waaban yaabay aniguye .

Qaracan:- maxaaa dhacay aabe qofka soomaaliga ah ma fekeri karo miyaa wax loo sheego ama loo dhigo maahee waxaa la dhigayo intaan diinteena ka ahayn sow ma ogid aabe waxaa soo alifay dad inaga oo kale ah anigana maskaxdayda ayaan ka helay in dhibkana sida lagu xalin karo  uuna keeni karo dhibaato kasii lixaad badan tan hadda joogtaan hadaan la xakamayn.

Qaxoonti:- Aabe wadankaaga lagama jecla qofka nabada jecel ee wadaniga ah ee daacada ah.

Maxaa dhacay waxuu horseedi karaa nabad , horumar, sinaan , cadaalad, iyo  qaranimo.

Sidaa awgeed waxaa laga jecelyahay,  colaad , dib u dhac, xaqdaro, gunimo, iyo gardaro.

Waxaa dadku doortaan , dabadhilif, danayste, daalin, dilaay, iyo diciif aan lahayn wax dadnimo ah . sidaa awgeed aabe waxba uma qaban karnee  hadaan salaad markaan tukano ayaan u ducaynaynaa.

Qaracan:- Aabe Hadaan  dadkeena jooga dibada dalkii tagno oo aan dhibka la qaybsano oo aan  dedaalka nabada dhinac ka galno miyaysan ka fiicnayn inaan websityada ka aqrisano oo aan telefoon u dirno ama tvyada soomaliga iyo kuwa caalamiga ah ka fiirsano  maahmaahdaan I bartay sow ma dhahdo aabe gacmo wadajir ayay wax u gooyaan.

Aabe waxaan waxaan aaminsanahay dhibka waxaa qayb ka ah dadka dibada jooga iyo kuwa ganacsatada ah waayo  lacagaha la diraayo xitaa waxaa jira kuwo wax lagu mucaarado iyo kuwo dadka lagu dhibaateeyoo kuwo dadka wax loogu qabto iyo kuwo dadka loogu kaalmeeyaana way jiraan.

Qaxoonti:- Aabe waad ka dartay ma meeshii ayaad inoo celinaysaa aabe naga daa maba nihin soomaaliyee horta meeshu ha hagaagtee aabe inaga daa warkeeda oo casharadaada aqriso  kii yaraa saw kaa maaha waxaanu ka soo cararnay camal la,aantii iyo xayraanimadii iyo  rafaadkii qaxii iyo madfacii dib noogu ceeliyay maaha maba yaqaan meeshan cagaarka ah ee basaska iyo tareemadu buuxaan ayuu moodayaa war cago dhigo wiilyahow.

Qaracan:- Aabe hada waxuu sheegayay isagaa bilaabay isaga ma rabo inuu dadka iyo dalka wax u qabto dadka kalena waxuu ku sheegayaa inaysan daacad ahayn oo inay wax qabsadaan rabin markaa soomaalida dhan waa sida aabe anigana hadaan waynaado waxaan ka cabsanayaa in viruska  dadkayga ku dhacay igu dhaco ilahayoow dowlad rasmiyaa ayaan ku waydiisanay oo aan ku meelgaadh ahayn  ilaahay mucaaradka naga dawee waa cudur xune  ilaahay dadkayga wadaniyada ugu bedel qabiilka , ilaahay daacadnimo , iyo horumar aduunyo iyo hanaansami ayaan ku waydiisaanay.

Aamiin aamiin

Hadaba dadweynoow wiilka iyo aabihii keebaa run sheegayaa ?

Keebaa saxan? Maxaayse tahay sababta 20 sano mucaarad iyo dowlad ku meelgaadh ah loogu jiro???

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: