Madaxweyanaha Soomaaliya iyo Yeman oo maanta ku wada hadlay qadka taleefanka kana wada hadlay arimaha murugsan ee labada dal.

Halkaan ka akhri

Madaxweyanaha   Soomaaliya iyo  Yeman   oo maanta ku wada hadlay qadka taleefanka ayaa ka wada hadlay arimaha murugsan ee labada dal.

Wakaaladda wararka dowladda Yeman ee SABA ayaa shaacisay in Madaxweynaha dalka Yeman Cali Cabdalla Saalax  uu maanta qadka Teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, islamarkaana ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada dowladood, islamarkaana dadaal dheeri ah loogu bixin lahaa la dagaalanka Argagixisada & Burcad badeedda.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Yemen sida ay u dhiiri gelinayso dowladda Soomaaliya si dib loogu soo celiyo nabdda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Yeman Cali Cabdalla Saalax ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Yeman ay taageersan tahay Nabadgelya iyo Xasillooni kusoo laabata dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa ku amaanay Masuuliyiinta dowladda Yeman in ay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed la garab istaageen taageero dhinac walbo leh oo wax looga qabanayo xaaladda Soomaaliya.

Wadahadalkan ay qadka teleefanka ku wada qaateen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Yeman ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda KMG Soomaaliya ugu jirto in ay ku xaqiijiso Ammaanka guud ee dalka si dib loogu soo celiyo kala dambeyntii iyo Midnimadii lagu yaqaanay Soomaaliya.

SomaliSwiss Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: