Halkaan ka akhri
Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kulan  ay la qaateen wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo waraysi sinayay Warbaahinta Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulan  ay shalay la qaateen wafdi ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaayay Mike Bawdhan oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee arimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in kulankaasi ay kala hadleen wafdiga Qaramada Midoobay  ee arimaha Bani’aadanimada iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanada ay ka arimiyaan maleeshiyadka dowlada ka soo horjeeda oo iyagu horay u mamnuucay gargaar la soo gaarsiiyo deegaanada ay ka taliyaan.
Hase yeeshee wasiirku wuxuu ka shaaca ka qaaday in ay isla garteen wafdiga Qaramada Midoobay qaabkii loo gaarsiin lahaa gargaar dadkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in talaabooyinkaasi goordhow la qaadi doono si dadkaasi loo caawiyo dowladuna ay horsed ka noqondoonto qaabka loo caawin lahaa Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu tilmaamay in wafdiga QM. ay ka wada hadleen dhinaca siyaasada iyo qaabkii loo taageeri lahaa dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka
Si kasta ha ahaatee  Wasiirku wuxuu sheegay in la isla gartay in shirka lagu madalsan yahay ee la filaayo in uu ka dhaco magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga laga soo saaridoono waxyaabo waxtar u leh ummada Soomaaliyeed islamarkaana ay noqoto wax ay ka faa’iideystaan Bulshada Soomaaliyeed.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.