Sheikh Xassan Daahir Aweys oo faahfaahin ka bixiyay heshiis la sheegay in Axmed Madoobe uu la galay dowladda KMG iyo Kenya.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay kana soo horjeestay Heshiis dhowaan dhex maray Axmad Madoobe oo ahaa Mass’uul horay uga tirsanaa kooxda Xisbul-Islaam, isla markaana dagaal xoogan oo looga adkaaday la galay kooxda Al-Shabaab ee ka arimisa gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo, isagoo markaasi ku dagaalamayay magaca kooxda Xisbul-Islaam.

Heshiiska Axmad Madoobe iyo dowlada KMG Soomaaliya dhex maray ayaa lasheegay in uu ka shaqeeyay Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Prof: M, Cabdi Gaandi.

Heshiiska labada dhinac ay wada galeen ayaa waxaa kamid ah in ay maleeshiya beeleed lasheegay in dowlada Soomaaliya loogu soo tababaray wadanka Kenya iyo maleeshiyaadka Xisbul-Islaam ee Jubooyinka jooga ay midoobaan, isagana uu madax u noqdo si wadajir ahna ula dagaalamaan Al-Shabaabka ka taliya magaalada Kismaayo iyo agagaareheeda.

Gudoomiyaha Ururka Al-xizbul Islaami Sheikh Xasan Daahir Aweys oo wax xiriir fiican uusan ka dhexaynin Sh. Axmed Madoobe tan iyo intii ay dagaaladii looga itaalka roonaaday Axmed Madoobe ka dhaceen Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in uu bari ka yahay heshiiska uu Axmed Madoobe la galay ciidamo beeleed wata magaca dowladda KMG Soomaaliya.

Sh. Xasan Daahir ayaa waxaa uu xusay heshiiska uu la galay Axmed Madoobe ciidamo beeleedyada wata magaca dowladda KMG uusan waxba uga duwanayn heshiis uu la galay dowladda KMG, sidaas darteedna Sh. Xasan Daahir waxaa uu ugu baaqay in Axmed madoobe uu heshiiskaasi ka laabto.

Sheikh Xasan Daahir ayaa waxaa uu ku tilmaamay heshiiska uu Axmed Madoobe galay in uu yahay mid aan ku dhisnayn Maslaxa Diin iyo mid dal toona, waxaana uu ku goodiyey in haddii dalalka Kenya, Uganda, Burundi ay joojin waayaan abaabulka ay wadaan in dhibaatadu ugu tegi doonto dalalkooda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: