Halkaan ka akhri
Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu weeraray fariisin ay ciidamada nabad Ilaalinta AMISOM ku leeyihiin Bangigii hore ee Ganacsiga Soomaliyeed ee degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa la sheegayaa in qof watay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu isku qarxiyey alabaabka hore ee Bangiga Ganacsiga Soomaaliyeed, gaariga ayaa lasheegay in uu dhacay kadib markii ilaalo ka mid ah ciidanka AMISOM ay isku dayeen in ay istaajiyaan gaarigaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaariga ay ka shakiyeen ka dibna ay rasaas ku fureen ciidamda ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ahaa albaabka kore, kadibna uu is qarxiyay qofkii watay, wuxuuna intaasi ku daray in dhinacooda aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin.
Dhinaca kale warar hordhac ah ayaa sheegaya in meesha uu qaruxu ka dhacay ee albaabka hore lagu arkayay illaa 3 Askari oo iyagoo dhaawac ah meesha yaala, iyadii aan laxaqiijin hadii ay jiraan wax dhimasho ah.
Fariisimahan uu maanta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay kamid tahay fariisimayaal cusub oo ciidamada AMISOM dhowaan la dajiyay, kuwaas oo kala ah Hoteelka Curuba iyo Bangigii hore ee Ganacsiga, waxaana goobahaasi looga kiciyay dad barakacayaal ah oo iyagu halkaasi ku soo qaxay.
SomaliSwiss Muqdisho
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.