Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo warbaahinta u sheegay in ay meel wanaagsan marayso xalinta khilaafka Baarlamaanka.

Halkaan ka akhri

Mudane magaciisu lagu sheegay Yaasiin Maxamed Bucul oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in meel wanaagsan ay marayso dadaalo loogu raadinayo xalinta  Khilaafka u dhaxeeyo xildhibaanada iyo gudoonka Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya. 

Xildhibaankan ayaa wuxuu baaq ugu jeediyay xildhibaanada kale ee ka horjeeda Gudoonka Baarlamaanka in ay xaaladdu dejiyaan, iyadoo la eegayo dhibaatada dalka ka jirta. 

Hase yeeshee waxaa uu si aad ah u amaanay doorka dowladda Jabuuti ee xal u raadinta muranka ka dhex taagan baarlamaanka KMG Soomaaliya. 

Balse xildhibaanku wuxuu beeniyay in uu jiro wax dhex-dhexaadin ah oo xubno ka socda beesha caalamka ka dhex wadaan dowladda KMG, wuxuuna tilmaamay  in muranka Baarlamaanka uu yahay mid aan sidaas u Cusleyn. 

Dhanka kale Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul ayaa wuxuu ku calaacalay in aan hore looga fikiran talaabada la qaadi karo hadii ay timaado arrin noocan oo kale ah, taasoo eedeeda dusha uu ka saaray xubnihii ka soo shaqeeyay heshiiskii Jabuuti markii la soo dhisayay dowladda KMG. 

xildhibaan Bucul oo arrinta khilaafka ka hadlayey wuxuu yiri: “Hadda muhiimaddu waxay tahay in la qiimeeyo xaaladda lagu sugan yahay iyo sidii looga bixi lahaa, taasina ma ku imaan karto in la’is qabqabso”. 

SomaliSwiss   Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: