Halkaan ka akhri
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Switzerland Calmy-Rey ayaa booqasho ku tagtay Sarajevo Wasiiradda ayaa kulamo la yeelatay mas’uuliyiinta Bosnia Erzegovina ,waxayna kala hadashay sidii loo dardargelin lahaa howlaha wax loogu beddelaya Dastuurka.
Sida la wada ogsoon yahay Micheline Calmy-Rey ayaa ah madaxa Golaha Wasiiradda Reer Yurub ee loo xil saaray xalinta arrimaha Bosnia Erzegovina .
Ujeedada iyo hadafka socdaalka Calmy-Rey sidii ay u soo eegi lahayd heerka uu marayo diyaarinta Dastuurka iyo sharciyada Bosnia Erzegovina, taasoo Wasiirada ay u xil saareen Golaha Midowga Yurub inay la socoto.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Switzerland Calmy-Rey ayaa xusuusiyey Golihii loo xil saaray arrinta Bosnia Erzegovina sidii loo diyaarin lahaa, loona qaban qaabin Doorashooyin ka dhaca dhulka Balkanka Bisha Oktoobar ee soo socota.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.