Gudoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo ka warbixiyey kulankii ugu soo gabagaboobay Culumada magaalada Garoowe.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka warbixiyay qodobo ay ka soo saareen kulan dhawaan ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland  ayaa faah faahin ka bixiyay qodobo ay ka soo saareen kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe inkabadan 50-kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Sidoo kale Sheikh Bashiir Axmed Salaad wuxuu sheegay in kulankaasi oo ujeedadiisu aheyd qaabkii uu Nabigeena Muxamed (NNKH) uu u adeegsan jiray xalinta khilaafaadka in gabagabadiisa ay ka soo saareen qodobo ku wajahan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya qododobadaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen in loo noqdo ku dhaqanka iyo barashada Diinta islaamka, in laga midoobo khilaafaadka jira loona jihaysto fidinta Diinta Islaamkam, in laga towbad keeno Macaasida, in laga fogaado Diin iska saarida iyo qodobo kale oo u badnaa joojinta dagaalada.

Hase yeeshee  Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa  Warbaahinta wax ka waydisay in qodobada ay soo saareen ay la hortagayaan dhinacyada ay qusayso ee uu dagaalka ka dhexeeyo iyo in kale ayaa waxa uu ka jawaabay in arintaas ay ka fikireen ayna weli diyaar u yihiin dhaxdhaxaadin waxayna doonayaan inay  markale la xiriiraan dhinacyada Soomaalida si ay wax uga weydiiyaan hadii dhaxdhaxaadin laga dhaxsameeyo ay xiligan suuro galtahay arintaasi oo uu  sheegay in ay u saareen gudi fududeeya.

Sida la wada ogsoon yahay Hay’ada Culumada Soomaaliyeed ayaa Muqdisho laga aasaasay horaantii sanadii 2009 markii ay dalka ka bexeen Ciidamada Ethiopia ayaa horay waxa ay ugu guul dareesteen dhaxdhaxaadinta dhinacyada Soomaalida, waxana i kulankoodii ugu horeeyay ay ka soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen joojinta dagaalada iyo in dalka laga saaro Ciidamada AMISOM qodobadaasi oo aan midkoodna fulin.

SomaliSwiss   Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: