Guddoonka Barlamaanka KMG ah oo maalmaha soo socda cod gacan taag ah loo qaadi doono.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ayaa maanta ku shiray xarunta Madaxtooyada ee dalka Soomaaliya, waxayna isku raaceen in cod loo qaado Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase ahaatee Kulanka maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee ay yeesheen Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Gudoonka Baarlamaanka KMG, ayaa wuxuu socday mudo dhowr saacadood ah ayaa gabagabadii kulankooda waxa ay isku raaceen in gudoonka Baarlamaanka cod loo qaado.

Qaar ka mid Xildhibaanadii Shirka ku jiray ayaa Warbaahinta u sheegay in intii uu socday kulankaasi Madaxweynaha iyo Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta ee dowladda Jabuuti Dr Xaamud Cali Axmed ay ka codsadeen Xildhibaanadaasi in ay dhaafaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka sababo ay ku sheegeen Madaxweynaha iyo Wasiirkaba burbur ku imaan kara dowladda dhaxdeeda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa waxa in Xildhibaanadii ka soo horjeeday Gudoonka Baarlamaanka ay ka biyo diideen codsiga ka yimid Madaxweynaha dowladda KMG iyo Wasiirka awqaafta iyo arimaha Diinta ee dowlada Jabuuti.

Hase yeeshee dood dheer ka dib ay xildhibaanada iyo madaxdii kale ay isku raacay in fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka uu yeelanayo cod loogu qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), balse Madaxweynuhu ma uusan cara baabin xiliga uu qabsoomayo fadhigaas.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmihii ugu dambeeyay ay Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya qaarkood waxay magaalada Muqdisho ku yeelanayeen kulamo ay kaga hadlayeen sidii gudoonka Baarlamaanka xilka looga qaadi lahaa iyadoo dhawaan kulan magaalada Muqdisho xubnahaasi Xildhibaanada ay ku magacaabeen gudi soo diyaariya Gudoon cusub.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: