DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Jaaliyadda Beelweynta Gaaljecel ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 April 2010 waxaa ay Shir ku yeesheen xaafadda Harlesden ee galbeedka magaalada London ee wadanka Ingiriiska.
Shirkan ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee magaalada London ayaa ajandayaasha looga hadlay Shirka waxaa kamid ahaa..
1 – In gudoomiye iyo xubno kale oo la shaqeeya la doorto madaama gudoomiyihii hore uu is casilay bishii December ee sanadkii tagay 2009.
2 – Xaaladda guud iyo danaha Beesha dal iyo dibadba
3 – In horumarin laga sameeyo gobolada ay beeshu degto
Shirkan maanta ayaa waxaa ay Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ku doorateen xubno cusub oo uu ku jiro gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee magaalada London.
Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee maanta Shirka isugu timid ayaa waxaa ay cod buuxa ku ogolaadeen gudoomiyaha cusub iyo xubnihii kale ee la doortay..
- Gudoomiye: Dr. C/qaadir Cali Isaaq
- Xubin: Dr. Ibrahim Maxamed Aden
- Xubin: Ing. Maxamud Yusuf Foodey
- Xubin: Sheikh Abukar Macalin
- Xubin: Ing. Saalax Cabdi Axmed
- Xubin: Prof. Xasan Macalin Maxamuud
Waxaa kale oo shirkaasi looga hadlay dhabaatada weyn ee aan dhamaadka laheyn ee haysata waddankeenna iyo in Umadda Soomaaliyeed ay isu tagaan oo ay dalkooda iyo dowladnimadooda dib u soo ceshtaan.
SomaliSwiss London – Yusuf Garabey
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.