Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Uurka Xsbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday  inuu la dagaalamayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna  ku eedeeyay dowladda in ay dalka soo gelisay wadamo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Sheikh Xasan Daahir ayaa  waxaa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed aan lagu maamuli Karin awood shisheeye, isagoo xusay in dagaalada ay kula jiraan dowlada KMG ah ay wadayaan inta dalka lagu xukumayo shareecad Islaamka.
Gudoomiyaha ayaa diiday in dowladda KMG ah ay maamuli karto shacabka Soomaaliyeed waxaana la weydiiyay sida ay arrintaas ku suura galeyso xili wareysi dheer siinayay TV-ga Al Jaziira.
Dhanka kale hogaamiyaha Xizbul islaam waxa uu sheegay in dagaalka ay wadayaan inta meesha laga saarayo dad uu ugu yeeray in ay cadow ku yihiin shareecada Islaamka, islamarkaana hortaagan in dalka Soomaaliya  lagu maamulo Diinta Islaamka.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.