Halkaan ka akhri
Qarax xoog badan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagula eegtay agaarka isgoyska Ex Contarool ee duleedka Muqdisho iyadoo masuuliyada qaraxaasina ay sheegteen kooxda Al-Shabaab.
Qaraxan ayaa  la sheegay inuu ka dhacay meel fariisin u ahayd ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, qaraxaas oo la sheegay in uu ahaa miinada nuuca Rimuudka laga hago sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugnaa.
Warku waxaa uu intaas ku daraayaa in qaraxaasi ay ku dhintay 2 askari halka mid kalana uu ku dhaawacmey sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay  taliyihii horkacayay ciidamada qaraxa lala eegtay oo lagu magacaabo Max’ed Qataatoow oo asiga ka badbaaday qaraxaas.
Wax yar kadib markii uu qaraxaasi dhacay ayaa waxaa  masuuliyada qaraxaas sheegtay kooxda Al-Shabaab waxayna caddeeyeen in ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda.
Hase yeeshee waxaa lagu soo warramay in Xaalada goobta uu qaraxu ka dhacay ay daqiiqado jahwareer gaashay balse haatan degan iyadoo ay dib u bilowdeen isku socodka gaadiidka isticmaala Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.