Madaxa FIFA Joseph Blatter oo kalsooni ka muujiyey ciyaaraha ka dhaci doono wadanka koonfur Afrika.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Iyadoo ay ka harsan tahay in ka yar 50 maalmood marka firimbiga loo yeerin doono bilawga Ciyaaraha Koobka Kubbada Cagta adduunka ayaa Madaxweynaha Ururka  FIFA Joseph Blatter uu ka muujiyey kalsooni.

Sidoo kale Blatter wuxuu xaqiijiyey in Dowladda Koonfur Afrika ay diyaar u tahay soo dhaweynta Jamaahiirta iyo ciyaartoyda imaan dono dalkaasi.

Blatter oo shir Jaraa’id kaga hadlayey Ciyaaraha FIFA oo lagu qabtay magaalada Zürich  wuxuu yiri: ” waxaan hubaa in Koobka Caalamiga uu noqon dhacdo cusub”.

Cabsida ay laga qabo dhinaca Ammaanka ayuu sheegay in dhankiisu aysan ka jirin wax cabsi, waayo ayuu yiri waxaan ku kalsoonahay awooda dowladda Koonfur Afrika iyo heerka abaabulka ammaanka uu noqon doono mid dhalaya dhacdo weyn ee taariikhi ah.

Sidoo kale Xoghayaha guud Ururka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) Jérôme Valcke ayaa isaguna qaba in la bilaabi karo Ciyaaraha Berri, ka dib markuu  arkay in Dowladda Koomfur Afrika ay Caalamka u muujisay heerka Awoodeeda la xiriira dhinaca ammaanka.

Xoghayaha guud Ururka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) Jérôme Valcke wuxuu ka hadlay sida Bulshada Caalamka uga soo qulqulayaan Caasimada dalka Koonfur Afrika. Taasi waxaa daliil u ah in  8 maalmood oo keliya la gaday ilaa 200000kun oo Bilyeeti ah, waxaana harsan ilaa 300.000kun oo Bilyeeti ah iyo 100.000kun oo keyd ah, sidaas darteed waxaan kalsooni ku qabnaa  daawadayaasha ka soo qayb galaya Tartanka.

SomaliSwiss    Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: