Baarlamaanka dalka Mozambique oo qorsheynaya sidii Ciidan loogu diri lahaa dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkasi Mozambique haweenayda lagu magacaabo Veronica Macamo ayaa saxaafadda u sheegatay, iyadoo shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada mabuto in ay qorsheynayaan sidii ay ciidamo ka socda dalka Musambiiq oo qayb ka ah kuwa midowga Afrika loogu diri lahaa gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Veronica ayaa sheegtay in qorshahaan uu ka dambeeyey kadib kulankii Baarlamaanka qaaradda Afrika ay ku yeesheen magaalada Mirdand ee dalka Koofur Afrika inti u dhexeysay 12-20kii bishan april kaasi oo lagu go’aamiyey in ciidamo dheeraad ah oo Afrika ka socda loo diro gudaha dalka Soomaaliya.

Haweenayda madaxda ka ah Baarlamaanka oo k hadlaysay arrintaas waxay tiri:“waa in aan ciidamo nabad ilaalineed u dirnaa dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha nabad ku soo dabaalidda ee lagu sugayo ammaanka dalka Soomaaliya” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Dhanka kale Veronica Macamo ayaa waxay tilmaantay in qorshahaani ciidamada loogu dirayo gudaha dalka Soomaaliya ay horgeyn doonaan madaxdda sare ee dalkasi , si ay u meel mariyaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Mosambique Veronica Macamo ayaa xustay in loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya laga taagero dhanka tababar u fidinta ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo in la caawiyo kuwa AMISOM ee ka howl galaya dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: