Madaxwayne Sheikh Shariif Sh. Axmed oo maanta la kulmay qaar ka mid ah haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Madaxwayne Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuuna  madaxweynuhu uu salaan sharaf ka qaatay in ka badan 530 haween ah oo ku jira ciidamada,  kuwaas oo halkaasi ku soo bandhigay gaardis iyo taatikada ciidamada lagu yaqaan.

Sidoo kale Madaxwaynaha wuxuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ciidmadaan xoogga dalka Soomaaliyeed ka tirsan , waxa uu sheegay in muhiimadda kulankaan ay tahay in haweenka askarta ah ay hoggaamiyaan ragga, islamarkaana ay qaadaan masuuliyadda sixitaanka ciidamada , maadaama haweenku ay wadaniyadda iyo qaran jacaylku uu aad ugu badan yahay.

Hase yeeshee Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu ay diyaar la tahay in ciidamadu helaan xuquuqdooda aas aasiga ah iyo qalabka ciidanka oo dhameestiran, si ciidamadu ay ugu fududaato fulinta waajibaadkii loo dhisay, waxa uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyay in aysan sinaan doonin xuquuq ahaan gabadha Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka iyo mid howlaheeda u gaarka ah ku howlan.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa si aad ah ula dardaarmay haweenka ciidanka  ah ee uu maanta la kulmay kuwaa oo ay ka mid yihiin in ay iska xilsaaraan in dhibaatada ay ka samata bixiyaan shacabka dhibaatadu gudaha dalka iyo dibadda ku haysato .

Kulanka uu Madaxweynaha uu la kulmay Haweenka ciidanka ah ee ka tirsan XDS ayaa qeyb ka ah dadaalada uu muddooyinkii dambe ku bixinayay dhisidda ciidanka qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in si weyn loo tayeyn doono ciidanka Soomaaliyeed oo looga fadhiyo in uu badbaadiyo dalka iyo dadka oo cadow shisheeye soo weeraray.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: