Illaa 5 qof oo la gowracay oo shalay laga helay meydkooda xaafada Yaaqshiid ee mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dadka deegaanka xaafada Yaaqshiid ayaa waxaa ay maalintii shalay ku arkeen wadada 5 nin oo meyd ah oo kooxda Al-Shabaab ay gowraceen, Shanta nin ee meydkooda la hellay ayaa waxaa ay dadweynuhu ku sheegeen in ay ahaayeen dhalinyaro fuundiyaal ah oo u shaqo tegay in ay wax ka dhisaan Dhismaha Xaruntii Golaha Shacabka.

Dadka deegaanka Xaafadda Yaaqshiid ayaa arkay 5-tan nin ee meydka ah oo lagu riday meel god ah, dadweynihii ayaa bilaabay in ay kasoo soo saaraan godka, waxaan ayna arkeen meydad gaaraya ilaa 5 ruux oo madaxa laga gooyey arinkaas oo dadku ay si aad ah uga argagaxeen.

Mid kamid ah ehelada raga la gowracay ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in marar badan wiilkan ay qaraabada yihiin kooxda Al-Shabaab ay ku soo handadeen khadka teleefanka, loona sheegay in la dili doono,  iyadoo ugu dambeyntiina ay la’aayeen mudo 7 maalmood ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda KMG Soomaaliya oo Shantan nin ay u ahaayeen shaqaale xoogsato ah oo wax ka dhisayey xarunta golaha Shacabka oo bilihii la soo dhaafay lagu waday dhismo.

Si kasta ha ahaatee falalkan foosha xun oo dad rayid ah oo xoogsato ah ay kula kaceen kooxda Al-Shabaab oo dhiig miirato ah oo misana falal guracan ka geysta dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Kooxdan Al-Shabaab ayaa ah koox si arxan darra ah u dila dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan, iyadoo marar badan laga hello xaafadaha magaalda Muqdisho dad la dilay oo qoorta laga gooyey, iyadoo mararka qaarna lagu arku tabeelootinka korontada meelaha ay dadka ku badan yihiin madaxyo iyo gacma iyo lugo la suray tabeelooyinka dushooda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmil.com

%d bloggers like this: