Halkaan ka akhri
Wasaaradda Bani’aadamnimada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in afduubka ay kooxaha Burcad badeeda u gaystaan maraakiibtii u raran Ganacsatada Soomaaliyeed ay saameyn xoogan ku yeelatay qiimaha Raashinka daruuriga ah ee Suuqyada magaalada Muqdisho.
Wasiirka Bani’aadamnimada Soomaaliya Sheikh Maxamud Cabdi Ibrahim Gerwayne ayaa sheegay in falalka Burcad badeeda ay horay u saameeyeen howlihii gargaarka Soomaaliya, haddana ay halis galinayaan Shixnadihii ganacsiga Soomaaliya.
Wasiirka Bani’aadamnimada Soomaaliya ayaa sheegay in burcad badeeda ay sii laba jibaareen dhibaatada ay ku hayeen Bulshada Soomaaliyeed, isagoo baaq ku aadan badbaadinta hantida umadda Soomaaliyeed u diray.
“Haddii wax yar oo diirnax ah ay ku jiraan Burcad badeeda waxaan leeyahay badbaadiya hantida ganacsatada Soomaaliyeed, arrintaani waxay saameynaysaa Bulshada waayo waxaa istaagaya adeegii ganacsi ee Soomaaliya, hadda loorkii Bariis ah waxaa ku kordhay qiimo ahaan hal doolar” ayuu yiri Wasiirka Bani’aadamnimada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in mar uun lala xisaabtami doono oo caddaalada la hor keeni doono kooxaha Burcad badeeda oo dhibaato ba’an u horseeday shacabaka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.