Mareykanka oo ka fiirsanaya inuu u soo diro Soomaaliya diyaaradaha wax basaasa si ay u fuliyaan howlgalo.

Halkaan ka akhri

Waxaa Wakaalada wararka ee AP ay qortay war sheegaya in  dowladda Maraykanka ay ka fiirsanaysa inay wadanka Somalia u soo dirto diyaaradaha aan duuliyeyaasha la hayn iyo taageero militari oo kooban si ay gacan uga gaysato dagaalka ay dowladda Somalia ku doonayso inay kula wareegto magaalada muqdisho.

Sida uu sheegay Saraakaal Ciidamada Maraykanka inay arrintan ay qayb ka tahay qorsheyaal taxadar leh oo ay dowladda Maraykanka ku doonayso inay ku taageerto dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Masuuliiyiinta Dowladda Maraykanka ayaa ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya inay si aad ah u faahfaahiso qorsheheeda dagaal ee ku wajahan Soomaaliya, Dhanka kale si dowladda Maraykanka ay awood ugu yeelato inay si dhab ah u fahanto qaabka ugu wanaagsan ee ay u taageeri karto dowladda Somalia.

Dhanka kale Saraakiil Sar-sare ee ku sugan Xarunta Gaashaandhigga ee “Pentagon” ayaa wali dersaaya qaabka ay ku taageeri karaan xoojinta ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee dowladda Maraykanka ayaa doonaysa inay dagaalka la filayo inay dowladda KMG Soomaaliya ay qaado ay uga faa‘iidaysto inay ka taqalusto hogaamiyeyaasha Al-qa’eda iyagoo dhanka kalena xoogga saaraya inaysan howlgalada maraykanka u muuqan duulaan dhulka Somalia lagu qabsanayo oo uu maraykanku hormuud ka yahay.

Sida la wada ogsoon yahay Saraakiil Maraykanka ayaa magaalada Nairobi kulan kula lahaa hogaamiyeyaasha dowladda Somalia iyagoo ku boorinayay inaysan ka fakarin oo kaliyaha arrimaha milatariga laakiin ay sidoo kale ka fiirsadaan qaabka dowladda Somalia ay adeegyada loo baahan yahay ugu qaban karto shacabka Somalia ka dib marka uu dhamaado duulaanka dowladda.

Sida lagu soo warramay dowladda Maraykanka ayaa doonaysa in dowladda KMG Soomaaliya ay ku dadaasho sidii ay u hanan lahayd taageerada Ururrada aan xagjirka ahayn ee Soomaaliya.

Balse Maraykanka ayaa qorshaynaya in diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee ku sugan Seychelles uu u adeegsado howlgallo laga fuliyo Somalia, waxayna taasi ay Dowladda Maraykanka u dooratay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn maadaama ay yihiin kuwo aan si aad ugu muuqan shacabka.

Warka waxaa u sheegay wakaalada wararka AP Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Maraykanka inay wali socdaan ka baraan degidda talaabada maraykanka iyadoo illaa iminka aan go’aan rasmi ah aan la gaarin.

Si kasta ha ahaatee Saraakiisha maraykanka ee laga soo xigto Warkan ayaa diiday in la sheego magacyadooda, waxayna sheegeen in dowladda Maraykanka ay aaminsan tahay in ciidamo loo diro gudaha Soomaaliya oo Maraykan ah aysan xal keenaynin inkastoo ay diideen inay meesha ka saaraan howlgallo kooban oo ay ka fuliyaan ciiidamada Marineskaiyo kuwa Komandoska ahba ee Maraykanka gudaha Somalia.

Balse dhanka kale waxaa jira walaac ay ka qaban Saraakiisha Maraykanka in faragalin ay ku sameeyaan gudaha Soomaaliya ay gacan ka gaysto inay xoogaystaan xooggagga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: