Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Wafdigii uu hogaaminayey  ay gaareen magaalada Adis ababa ka dib markii uu ka dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay sheegayaan masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah.
Maxamed Cali Ameeriko oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay gaareen adis ababa ka dib markii ay xalay ka duuleen magaalada Nairobi oo ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda dowlada Ethiopia iyo Hogaanka Midowga Afrika , iyagoo isla soo qaadaya xaalada wadanka Soomaaliya ka jirta.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa markii ay dhameystaan booqashada Itoobiya in ay gaari doonaan dalka Jabuuti si halkaas ay kulamo kula soo yeeshaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumadiisa.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.