Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland oo kulan ku qaatay magaalada Addis Abeba.

Halkaan ka akhri

Madaxweynha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa hoteelka uu ka degan yahay Addis Abeba ku qaabilay madaxweyne Faroole oo ku sugnaa dalka Ehiopia, waxaana warar ku dhow kulanka uu madaxweynaha la qaatay ayaa sheegay in labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin khilaafaadkii soo kala dhex galay maamulka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif iyo madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha Burcad badeeda Soomaalida iyo sida looga hortagi karo falalka ay ka fulinayaan badaha iyo berriga Soomaaliya.

Arrimahan ay ka wada hadleen labada mas’uul ayaa waxaa ay meesha ka saarayaan khilaaf mudooyinkii dambe ka dhexeeyay maamul gobleedka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiirka arimaha Dibadda ee dalka Etiopia Siyum Musfin, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo quseya xiriirka ka dhexeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Shalay galabtii la kulmay ra’isal wasaaraha dalkaasi Ethiopia Meles Zenawi, kaasoo ku  soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: