Jaaliyadda Tamil Srilanka ee dalkan Switzerland oo doortay gole dadweyne oo ka kooban 30 qof..

Halkaan ka akhri

Waa markii ugu horreysay  ee Jaaliyadda Tamil Srilanka ee ku nool dalkan Switzerland ayaa doortay gole dadweyne oo ka kooban 30 qof ee ka shaqeeya xallinta arrimaha Jaaliyadooda, waxay kaloo golahan howshooda noqon ku dhiirinta sidii ay u is-dhexgel ula sameynsan lahaayeen Bulshooyinka ku dhaqan dalkan Switzerland.

Fikriddan ayaa la sheegay inay soo bandhigeen dhallinyaro oo Jiilka labaad ah (seconda generazione), ka dibna ay ku raaceen dhammaan Jaaliyadda Tamel Tiger ee ku sugana dalkan Swiss-ka, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wiil 22-tan jir  ee magaciisu la yiraahdo Sananth Varathalingam.

Golaha Dadweynaha ee Jaaliyadda Tamilka ayaa la doortay maalintii Axadda ahayd  xubnaha la doortay ayaa waxaa ka mid  ahaa 14-ban qof Jiilka labaab ee dalkan Switzerland, xubnaha kale ayaa ah dad waqti fog deganaasho ku lahaa Kantoonada dalkan Switzerland, sidoo kale waxaa golahan ka mid ah laba qof oo aan u dhalan Srilanka, balse ah dad u dhashay dalkan Switzerland.  

Sida ay la tahay Wiilka fikirkan Keenay ee Sananth Varathalingam, wuxuu sheegay in Jaaliyadda Tamilka Srilanka ee ku dhaqan Konfederaalka dalkan Switzerland ay tiradooda gaaraysaa ilaa 20.000-kun oo qof oo dhammaantooda qaan-gaar yihiin, hase ahaatee Sananth ayaa sheegay  in kulankii lagu dooranayey ay joogeen 3500 qof, balse la filayey inay ka soo qayb galaan intaas in ka badan.

SomaliSwiss Swissinfo  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: