Halkaan ka akhri
Maamulka Islaamiga ah ee gobalka Shabeelada Hoose ee hoostaga kooxda Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa inay howlgal ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada afgooye, howlgalkaas oo ay  ku soo qab qabteen hubka noocyadiisa kala gedisan.
Sidoo kale howlgalka lagu soo helay hub kala gedisan, ayaa la sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay beegsadeen xarumo iyo baro cayiman oo ay ku raad joogeen, iyagoo baaritaano ka dib, halkaas ka soo saaray hub kala gedisan.
Hase yeeshee Saraakiil ka tirsan Ciidamada kooxda Al-Shabaab ee Gobalka shabeelada Hoose ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku guuleysteen, islamarkaana ay ku soo qabteen hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwa fud fudud iyo kuwa waaweyn intaba.
Maamulka kooxda Al-Shabaab ee Gobalka shabeelada Hoose ma sheegin dad iyo goobaha ay ku soo qab qabteen howlgalada ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada afgooye ee gobalka shabeelada Hoose, waxayna howlgalkaas ay  ku macneeyeen  mid lagu sugayo amaanka wadada isku xirta Afgooye iyo walanweyn.
SomaliSwiss   Marka
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.