Qaar kamid ah Xildhibaanda Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo soo dhaweeyay Bannaanbixii looga soo horjeeday Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Qaar  ka mid ah Xildhibaanada dowlada KMG ah ayaa sheegeen inay ku faraxsan yihiin, islamarkaana ay soo dhaweynayaan bannaanbaxii shalay looga soo horjeeday  falalka gurracan ee kooxda Al-Shabaab ku kacday.

Hase yeeshee Xildhibaan  Xuseen Caraale Cadaan oo Warbaahinta u hadlayey wuxuu sheegay  in qaar badan oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya ay  taageersan yihiin Cambaareyntii loo soo jeediyay kooxda Al-Shabaab gaar ahaan howlohooda qaburo burburinta ah, wuxuuna intaa uu raaaciyay in arintaas lagu muujinayo dareenka shacabka ay marqaati ka tahay sida looga soo horjeedo ficillada ay kooxda Al-Shabaab ay kula dhaqmayso Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo Xildhibaan carale ayaa sheegay in dibadbaxaas uu ku soo aaday waqtigii loogu talagalay,kaas oo lagu diidan yahay dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waana wax lo baahnaa  ayuu yiri xildhibaanka.

Si kastaba ha’ahaatee bannaanbaxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan ahlusuna iyo dadweyne, kaasoo si weyn looga soo horjeestay howlgalada maalmahan lagu burburinayo Qabuuraha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: