Pro. Max’ed Cumar Dalxa oo shaaciyey in fadhiyada Baarlamaanka ay ku qaban doonaan xaruntii hore ee golaha Shacbiga.

Halkaan ka akhri

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya Pro. Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya fadhiyadii Barlamanka ay ka furmi doonaan xaruntii hore ee golaha Shacbiga.

Pro. Max’ed Cumar Dalxa oo imminka ah Kusimaha gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka oo maanta saxaafada kula hadlayay xaruntii hore ee golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in la soo gabagabeyn doono goordhow wajiga koowaad ee dayactirka ka socda xarunta golaha shacbiga.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenku waxaa uu sheegay in sida ugu macquulsan ay uga furmi doonaan xaruntaasi kalfadhiyadii Barlamanka isagoo tilmaamay in maanta wixii laga bilaabo uu barlamanku leeyahay xarun uu ku shiro, islamarkaana u noqonaysa fariisin toos ah oo uu yeesho Barlamanka KMG Soomaaliya.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya Pro. Dalxa waxaa uu ka dhawaajiyay in dhismaha xaruntaan ay ka qeyb qaateen qaar ka mid ah wadamada Reer Yurub, hase yeeshee wuxuu wadamada carabta ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha xarunta golaha shacbiga ee Magaalada Muqdisho.

Sida la wada ogsoon yaha bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay ka socdeen xarunta golaha shacbiga howlo dayactir ah, howlahaas oo ay ka wadeen xubno katirsan golaha Barlamanka KMG Soomaaliyeed, kuna dadaalayeen sidii ay u heli lahaayeen goob u gaar ah oo ay  fadhiyadooda ku yeelan lahaayeen mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: