Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo Burcad badeeda u qabtay mudo 48-saac ah in ay ku soo sii daayaan Maraakiibta u raran Ganacsatada.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aways oo ayaamahan la hadlin Warbaahinta ayaa waxa uu kooxaha Burcad badeeda Soomaalida uu digniin siiyey, una qabtay in mudo 48-saac ah inay fasaxaan Maraakiibta iyo Doonyaha u raran ganacsatada Soomaaliyeed ee ay ku haystaan meelo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta galabnimadii shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay qaar kamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa  soo hadalqaaday arrin u muuqatay in ay Maskaxda kaga jirtay, taasoo ah qafaalashada  ay burcad badeeda Soomaalida ku afduunteen Maraakiib iyo Doomo shixnado u siday gGnacsato Soomaali ah.

Sidoo kale Sheikh Xasan Daahir Aways ayaa sheegay in Burcad badeeda ay awalba ku jireen danbiyo, haddana ay bilaabeen weeraro uu ku tilmaamay in ay cuno qabatayn ku tahay shacab oo la daalaa dhacayee dhibaatooyinka dagaalada, waxuuna hadalkiisa sii raaciyay in arintaasi ay noqotay mid ay u dulqaadan waayeen, wuxuuna Burcad badeeda ugu baaqay in ay sii daayaan Maraakiibta iyo Doomaha u kiraysan Ganacsatada Soomaaliyeed mudo ku siman 48-saac.

Dhanka kale Sheikh Xasan Daahir wuxuu soo hadalqaaday heshiiskii 15-kii bishan dhaxmaray dowladda KMG iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaacawuxuuna heshiiskaas ku  tilmaamay inuu ahaa qiyaano iyo Shirqool oo ay ka danbeeyeen Cadowga Soomaaliya.

Hase yee Sheikh Xasan Daahir ayaa waxaa la waydiiyay su’aal ah, sida uu u arko howsha ay Xarakada Al Shabaab ay ku burburinayeen qaar ka mid ah qubuuraha culumada Ahlu dariiqada? wuxuuna si kooban uga Jawaabay in ay jireen waxyaabo xadgudub ah oo ay dadka qaar ay qubuurahaasi ku agsameen, dhinaca kale waxa uu soo hadalqaaday dilkii bishan magaalada Muqdisho loogu geystay Barre Cali Barre oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in dilkaasi uu ahaa mid shir qool ah oo ay baaritaano ku wadaan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: