Dhibaatooyinka dal ku galka Libya iyo Wadamada ku jira Schengen oo xal laga gaaray, balse tan Bern iyo Tripoli weli fari kama qodna.

Halkaan ka akhri

SIRTE – Dawladda Libiya ayaa dorraat Xayiraadkii Dal ku gelka delkeeda ka qaaday Muwaadaniinta Reer Yurub ee ku jira Saaxadda Nidaamka Schengen, hase ahaatee Switzerland ayaa arbacadii tegtay shaacisay in ay diyaar u tahay inay ka tirtirto Liiska madow magacyada Muwaadaniin Reer libiya ah ee tiradoodu ay gaarayso 180 qof.

Libiya iyo Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay dorraat inay dhamaatay dhibaatadii la xiriirtay arrinta dal ku gellada wadamada Yurub iyo Libiya, taasoo ka dhalatay, ka dib markii Switzerland ay diiday inay ku soo geelaan  Liibiyiinta  Fiisaha Schegen dalkeeda.

Go’aanka  ayaa waxaa wada gaaray  Wadamada jaamacadda Carabta oo shir ku qabay  magaalada Sirte ee dalka Libiya, shirkaas oo ay qayb ka ahaayeen laguna  soo casumay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Spain Miguel Angel Moratinos oo Kaltankan  Hoggaanka Lix bilobo laha ah ee Midowga Yurub, iyo Ra’iisalWsaaraha dalka Taliyaaniga Silvio Berlusconi.

Wakaaladda Wararka ee dalka Libiya ee Jana ayaa shaaca ka qaaday Warmurtiyadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Libiya, kaasoo sheegayo in dowladda Libiya ay ku guuleysatay go’aankeeda ahaa in wadamada ku jira Nidaamka Schegen ay dalkeeda soo geli karin,sidoo kale Libiyana laga hor istaagay Dal ku gelkii Wadamada Yurub, balse hadda arringa lagu dhameeyey Wadahadal, waxaana Midowga Yurub ay tuureen Liiskii loogu mamnuucayey inay soo gelaan wadamada Yurub ee ku jira Nidaamka Schengen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in libiya ay ka furtay xarigii ay ku xirtay Mawaadaniinta  Reer Yurub ee ahaa diidmada qayaxan ee dalkeeda, hase yeeshee  Dowladda Libiyaa waxay hoosta ka xariiqday in Switzerland ay ku dhawaaqday Guul markii ay wadamada ku jira Nidaamka Schengen ay u diideen Muwaadaniinta Jamaahiriyada Libiya Dal ku gelkooda.

Dhnka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Libiya Moussa Koussa ayaa Axadii dhaweyd shaaca ka qaaday in khilaafka ka dhaxeeyey Libiya iyi Switzerland uu sii socon doono muddo dheer, inkastoo uu Wasiirku uu sheegay inay jiraan dhaxdhexaadin Caalami ah.

Moussa Koussa oo mar wax laga weydiiyey sida ay dowladiisa ula dhaqmi doono dhexdhaxaadinta ay kula jiraan Madaxda Sare ee Midowga Yurub, wuxuu ku Jawaabay ee yiri: “ waxay ku xiran tahay sida  uu  Swissku  u doonaya in xaaladda ay Caadi u noqoto, dowladdeydu diyaar ayey u tahay, balse haddii kale  waa wax Swissku u daran” ayuu hadalkiisu ku soo gabagabeeyey.

SomaliSwiss Swissinfo  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: