Halkaan ka akhri
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah ayaa lagu tuuray Bam kuwa gacanta ah xili ay ku sugnaayeen xarun fariisin u ahayd ee ay ku leeyihiin d Ceelgaab ee degmada Xamar-jabjab, halkaas oo ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsan askartaas.
Sida lagu soo warramay Qaraxaas ka dib ayaa ciidamada dowlada KMG ah ee bamka lagu tuuray waxa ay fureen rasaas xoogan waxaana kala cararay dadweynihii goobahaas ka dhawaa waxaana la sheegay in ilaa 5 arkari ay goobtaas uu dhaawac ku gaaray.
Hase yeeshee qaraxyada iyo weerarada ka dhan ah ciidamada dowlada KMG ah ayaa caadi ka ah magaalada Muqdisho, waxaana jira in dhawaan qarax lagu dilay masuul ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.