Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliya oo mar kale loo doortay madaxweynaha ururka isku taga suxufiyiinta Afrika.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq  Cusmaan ayaa mar kale ku guuleystay Guddoomiyenimada Ururka isku tagga suxufiyiinta qaaradda Africka ee loo yaqaan federation of African Journalists (FAJ).

Sidoo kale Kulankii lagu dooranayey Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Harare ee caasimadda wadanka Zimbabwe, waxaana isugu yimid kulanka hogaamiyeyaasha suxufiyiinta Afrika oo ka kala socday 43 dal oo qaaradda afrika ah.

Kulanka Koongareeska oo soconayay muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu doortay guddiga fulinta ururka oo ka kooban 7 xubnood, Xubnaha guddiga fulinta waxay ka kala socdaan dalalka, Nigeria, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqoraadiga Congo, Tunisia, Somalia, Gambia and Zimbabwe.

Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayaha guud ee Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa loo doortay Madaxweynaha ururka, halka Foster Dongozi oo ka socda Zimbabwe loo doortay madax weyne ku xigeenka, Ndey Tapha Sessoh oo ka socota dalka Gambia ayaa iyadana loo doortay xoghayaha maaliyadda.

Mr. Jim Boumelha oo ah madaxweynaha ururka suxufiyiinta caalamka oo isagu ka qaybgalay koongareeska Harare lagu qabtay wuxuu yiri“Saaxiibadeenna Afrika waxay xoojiyeen midnimadooda si ay u hormariyaan una difaacaan shaqada saxaafadda”.

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaarada Afrika Cumar faaruuq Cusmaan oo kulankaas ka hadlay wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar labaad loo doorto Jagada Madaxwayneynimada Ururka Qaaradda Afrika, sidoo kale tani waxay guul u tahay suxufiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Cumar Faaruuq ayaa ah Xoghayaha guud ururka suxufiyiinta bariga Afrika ee saldhigiisu yahay Djibouti, sidoo kale Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ee FAJ ayaa isana waxay xaruntiisa tahay magaalda Dakar ee dalka Senegal.

SomaliSwiss    Harare

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: