Halkaan ka akhri
Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa Cambaareeyay dil loo geystay xubin ka tirsanaa Golahaas oo lagu dilay deegaanka lafoole ee u dhexeysa Muqdisho iyo afgooye
Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa intaa ku daray in dilka Nabadoonkaas ay geysteen rag indhaha soo xirtay xili uu ku sugnaa gurigiisa goob aan ka fogayn.
Sidoo kale Maxamed Xasan xaad wuxuu sheegay in ay baaritaano ku sucdaan cida dilkaas ka danbeysay, islamarkaana saxaafada u soo bandhigi doonaan marka ay ogaadaan balse ay cambaareynayaan arintaas.
Si kasta ha ahaatee Shalay ayay ahayd markii Cabdi Maxamed Jimcaale (shabaag) oo ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye lagu dilay meel aan ka dheereyn gurigiisa.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.