Culimaa’udiinka Ahlu Sunna oo shaaca ka qaaday in la dhameeyey mad-madowgii soo kala dhex galay.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Golaha Shuurada  Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobolka Galgaduud Sheikh Maxamed Yuusuf (Xeefow) iyo  Wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii danbe shalay soo gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud si ay kulamo ula qaataan xubno ka tirsan Culima’udiinka oo ka soo horjeeda heshiiskii Addis Ababa ay kula qaateen dowlada KMG ah.

Sheikh Cali Gureey oo ah Afhayeenka Maamulka degmada Cabudwaaq ee ahlusunna ayaa Warbaahinta u sheegay in shir ay isugu yimaadeen labada dhinac ee ka tirsan Culimaa’udiinka,  gaar ahaan kuwii heshiiska la galay dowlada KMG ah iyo qeybtii ka hor timid, wuxuuna caddeeyey in laysku raacay oo heshiis laga gaaray khilaafkaas wixii hadda ka bilawdana la hirgelinayo dhammaan qodobbadii ku qornaa heshiiskaas.

Waxa kaloo labada dhinac ay isku afgarteen in la taageero heshiska adis ababa, iyadoo dhinaca kalana laysku afgartay in hada wixii ka danbeeya ay heshiisyada galaan golaha Fulinta ee ahlusunna ka dibna ay saxiixaan Golaha Talada wixii muran ahna loo gudbiyo Golaha marjaca .

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in kulamo kale ay yeelan doonaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana la dhameeyay wax uu ugu yeeray mad madow soo kala dhex galay Ahlusunna waljamaaca.

Sida aad la socotaan dhawaan ayay ahayd markii dowlada KMG ah iyo ahlusuna ay heshiis ku gaareen magaalada adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo heshiiskaas ay ka hor yimaadeen xubno ka tirsan maamulka Ahlusuna waljamaaca.

SomaliSwiss    Cabudwaaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: