Halkaan ka akhri
Banaanbax  aad ballaaran oo looga soo horjeeda qabuuro bur burinta iyo qaadista lafaha mashaa’ikhdii caanka aheyd  ee dalka Soomaaliya ayaa maanta dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ka dhigtay magaalada Muqdisho.
Sida lagu soo warramay waxaa Banaan baxan ka soo qeyb galay  Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, Dallada Ururada Bulshada Rayidka, waxgaradka magaalada Muqdisho iyo shacab fara badan ayaa waxaa uu ka dhacay Taaladii Daljirka Dahsoon.
Waxaa abaabulka iyo qaban qaabada Banaanbaxan laheyd Hey’adda CCD ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay hal ku dhigyo qiiro leh oo la soo bandhigay iyo kooxda bar baarta gaashaaman oo shiribyo iyo gaada ka ciyaar ka sameeyay, kaasoo lagu muujinayay howlaha qabuuro faagista mashaa’ikhdii caanka aheyd.
Sheekh C/qaadir Soomow oo  ah Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo hadal ka jeediyay goobta lagu bannaanbaxyey ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin qabuuro bur burinta ay Alshabaab geysteen,wuxuu  ku eedeeyay  Al-shabaab inay wadanin diin, balse waxa ay wataan ay yihiin wax diinta Islaamka ka fog.
Sheikh Soomow oo hadlakiisa sii wata wuxuu yiri: “Kuwa Diinlaaweyaasha faagay lafihii mashaa’ikhda Soomaaliyed ayaa aad uga dhiidhineynaa, waana ka soo horjeednaa”, wuxuuna dadweynihii banaan baxa ka qeyb galay gaarsiiyay salaan uu ka siday Gudoomiyaha Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Nabadoono ka tirsan Beelaha dega  Gobolka Banaadir ayaa codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan qabuuro bur burinta, iyagoo sheegay in ay dagaal la galayaan Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaateyn ka wadaan deegaanadooda sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale waxaa goobta la isugu yimid ka hadlay Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Muxiyadiin Xasan Afrax, wuxuuna sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday in dalka ay Nabadgelyo ku soo dabaasho, isagoo cadeeyay in ay iyagana la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.
Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax  oo ka hadlayey arrimaha Diinta wuxuu yiri: “Waxaan aad u cambaareyneynaa ficilkan guracan ee Al-Shabaab ay sameeyeen, kaas oo ay lafihii mashaa’ikhda uga soo saareen qabuuraha, waana ka hortagi doonaa”.
Bulshaweyntii  ka qeyb galay banaan baxa ayaa sare u hayay boorar ku qornaa halku dhigyo xambaarsan in Culimadii Islaamka la diiday, isla markaana kooxaha diinta sheegta ay baneysteen dhiiga shacabka, waxaana dadweynaha ka qeyb galay banaan baxa ay ahaayeen kuwo qiiradeysan.
Dhanka kale Banaan baxan ayaa u muuqday mid ay abaabuleen dadka dega magaalada Muqdisho, gaar ahaan Beesha Mundulood , isla markaana ay hurdada kaga tooseen inay is difaacaan, balse haatan waxaa la sheegay in Beelaha dega magaalada Muqdisho oo ay ugu horreyso Beesha Mundulood ay sheegeen inay ka hortagi doonaan qolooyinka dhibaatada ku haya deegaanadooda, kuwaas oo Diinta ku gabanaayo Sida Xarakada Al-shabaab oo deegaanadooda  ay ku amar ku taagleeyaan oo maalmihii u dambeeyay ay tacadiyo waaweyn  ka geysteen magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.