Halkaan ka akhri
Waxaa maanta  Qarax miino lala beegsaday Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Axmed Sheikh Qoorleex uu ku geeriyooday Xaafada Afisyooni.
Warar kala duwan ayaa laga sheegay qaabka uu ku dhintay Gudoomiyaha, wawarka qaarkood waxay sheegayaan in Gaari uu watay ay Miino la kacday,qaar kalena waxay  sheegayaan in  gaarigii uu watay rasaas dhinaca Afisyooni looga soo furay.
Geerida Gudoomiyaha ayaa waxaa Shabakada Jowhar.com u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sheegay in uu dhaawacmay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Mr Warsame.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ka hor inta qaraxa aanu qabsan Gaariga la maqlay rasaas halkaas ka dhacday, oo aheyd mid la is weydaarsanayay.
Halka Gudoomiyaha ku dhintay ayaa aheyd goob maalmahan Ciidamada Booliska howl gal bur burin ka wadeen dhismayaal dad barakacayaal ka sameysteen Xaafada Afisyooni.
 SomaliSwiss  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.