Halkaan ka akhri
Macalin Maxamuud Sheikh Xasan oo Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa wacad ku maray in dalka oo dhan ay ka tir tiri doonaan Xarakada Shabaabka, isagoo iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah Shabaabka.
Sidoo kale Macalin Maxamuud oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Nairobi oo looga soo horjeeday howlaha qabuuro bur burinta iyo faagista ay Alshabaab ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal.
Hoggaamiyuhu wuxuu intaa ku daray ee uu yiri: “Kooxaha dalka iyo diinta ku soo duulay ee doonayay in ay tir tiraan raadadkii Islaamka, waxaan u diyaar garownay inaan dalka oo dhan ka suulino, iyaga iyo Ajaaniibta gadaal ka soo riixeysa”.
Dhanka kale Macalinka Maxamuud ayaa sheegay in ay Ahlu Sunah hurdada ka kacday, isla markaana meel walba ay uga soo wada jeesan doonaan sidii dagaal kama dambeys ugu qaadi lahaayeen Shabaabka oo ku eedeeyay in ay la soo baxayaan lafihii mashaa’ikhda.
Hoggaamiyaha AhhluSunnah wuxuu sheegay in Shabaabka ay ku tilmaameen Culimada geeriyootay Asnaam la caabudo, isla markaana kuwii kalena ay ku sheegeen kuwo asnaamta u adeegaya, halka shacabkana ku tilmaameen sida uu yiri kuwo Macbadyo caabudaya sida uu hadalka u dhigay.
Macalin Maxamuud  wuxuu ku dhaliilay Dowladda KMG in ay ka gaabisay wax ka qabashada howlaha qabuuro faagista ay wadaan Al-shabaab, ha yeeshee waxaa uu ku wacad ku maray in ay iyagu aanay ka seexan doonin oo ay ka dhiidhin doonaan.
Sida laga war qabo Xarakada Al-shabaab ayaa qabuuro bur burin ka wada Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo afartii maalmood ee u dambeysay soo saaray lafaha in ka badan 10-culumaa’udiink aasnaa muddo sanado ah. Hogaamiyaha Ahlu Sunah.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.