Hey’adda caafimaadka Adduunka ee (WHO) oo ka digtay in maalgelin la’aan darteed ay u hakin doonto adeega caafimad ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hey’adda Caafimaadka Caalamka (WHO) ayaa ka digtay in maalgelin la’aan darteed ay hakin doonto adeegyada caafimaad ee ay ka wadaan wadanka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO in ay ka xun yihiin hakinta ama joojinta howlaha caafimaad ee ay ka wadeen wadanka Soomaaliya ee  dagaaladu aafeeyeen, kadib markii taageero dhanka maaliyadda ay ka waayeen beesha caalamka.

Sidoo kale Paul Garwood oo ah afhayeenka Hey’adda Caafimaadka Caalamka oo shalay Warbaahinta kula hadalayay magaalada Geneva ee xarunta wadanka Switzerland u hadlay Hey’adda Caafimaadka Caalamka (WHO oo ayaa sheegay in WHO ay codsatay aduun lacageed oo gaaraya ilaa iyo 46 milyuun oo dollar si ay u gudato qorshe howleedkeeda Soomaaliya sanada 2010.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Malaayiin caruur ah ay hey’adda WHO ka talaashay cudurada halista ee dilaaga ah, iyadoona sidoo kale taba bar u sameysay shaqaalo badan si ay wax uga qabtaan howlaha qaliinka, kormeerka iyo ka hortaga cudurada faafa.

Mr Paul Garwood ayaa beesha caalamka ugu baaqay in kaalmo lacageed ay la soo gaaraan hey’adda caafimaadka aduunka WHO si ay wax uga qabato xaalada dhanka caafimaadka ee ka jira gudaha wadanka Soomaaliya.

Ugu dameyntii Afhayeenka ayaa  ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdishu ee caasimada dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in qeybta hore ee bishaan March oo kaliya ay ku dhinteen dagaaladaasi in ka badan 48 qof halka 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: