Ciidamada Ilaalada xeebaha Yemen oo shaaciyey in Tahriibayaal Soomaali ah ay gaareen degmada Buruum ee gobolka Xadramuud.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Ilaalada Xeebaha wadanka Yemen ayaa shaaciyey in 72 ruux oo Soomaali ah islamarkaana isugu jira Caruur iyo haween in ay gaareen xeebaha dalka Yemen.

Dadkaani ayaa la sheegay in ay yihiin dad muhaajiriin ah oo mar dhow ka anbabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dagaalo iyo duqeymo dabadheeraaday kuwaasi oo maanta gaaray xeebaha dalka Yemen.

Sida uu sheegay Sarkaal ka mid ah ciidamada xeebaha dalka Yemen in dadka Tahriibayaasha ah ay gaareen degmada Buruum oo ka tirsan gobolka Xadramuud, wuxuuna intaasi ku daray in qaar ka mid ah dadkaas ay ku biireen qaxooti kale oo deganaa gobolka Ticis.

Sarkaalkaas oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa nasoo gaaray ilaa 72 ruux, sagaal ka mid ah caruur 26 kalana waa haween inta kalana waa rag, dadkaani waa dad ka yimid Soomaaliya waxaana deegaano uga dhignay xero weyn oo ku taala degmada Macfa oo ka tirsan gobolka Shabwa”.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay in 43 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaas ay xireen kuwaa soo uu sheegay in si dhuumaalaysi u galayey gudaha dalalka kale ee dariska la ah dalka Yemen sida wadanka Sacuudi Carabiya.

SomaliSwiss    Yemen

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: