Kooxda Al-Shabaab oo maalintii 4-aad magaalada Muqdisho ka wada howlo Qubuuro burburin ah.

Halkaan ka akhri

Kooxda  Al-Shabaab ee ka taliya qeyba kamid ah magaalada Muqdisho ayaa maalintii 4-aad howlo Qubuuro burburin ah ka wadan magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay burburiyeen Qabri ku yaala xaafadda Waxaracadde ee Degmada Huluwaay ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku Aasnaa wadaad la oran jiray Sheikh Cumar Caraale.

Sheikh C/rashiiid Abuu Yoonis oo ka mid ah Maamulka kooxda Al-Shabaab oo la hadayey saxaafadda ka howgesha gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan burburinta qubuuraha la caabudayo, wuxuuna intaasi ku darey in howsha Qubuur burburinta ay socon doonto illaa mudo 9-maalin ah oo kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sida la wada ogsoon yahay maalmo ka hor ayay aheyd markii kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir ay howlo Qabuuro lagu burburinayo ka bilaabeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee waxaan la ogeyn xiliga si rasmi loo soo gabagabeyn doono, inkastoo Mas’uuliyiinta kooxda Al-Shabaab ay sheegeen in howshan ay socon doonto ilaa iyo 9-maalin.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: