Xaaladda magaalada Muqdisho oo Maanta degan, iyadoo ay duqeymo xoogan shalay ka dhaceen.

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Muqdisho ka dib markii dagaal iyo duqeymo hoobiyeyaal ah ay dhaceen gabal dhicii shalay kuwaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Duqeymaha ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof inta la ogyahay tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado kala duwan gudaha magaalada Muqdisho.

Jawiga guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa uu yahay mid degan, inkastoo deganaanshahan uu yahay mid aan la’isku haleen karin.

Mar walba oo dagaal dhaco ayaa shacabka waxaa gaara qasaaraha ugu xoogan, iyadoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeymahan u dambeeyay dhammaantood ay yihiin shacab.

Beryahan dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay u muuqataa kuwo joogto ka noqday duqeymaha xoogan oo dhaca xilliga gabal dhaca, waxaana hoobiyeyaasha badankood ay ku dhacaan xaafadaha rayidka ay degan yihiin.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: