Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku jooga dalka Spain, ujeedada socdaalkiisuna wuxuu ahaa inuu ka qeyb galo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Aadan Madoobe oo horay safar ugu soo maray dalka Turkiga ayaa booqashada uu haatan ku joogo dalka Spain waxaa uu sheegay in ay tahay sidii Dowladda KMG u sii xoojin laheyd xiriirka arrimaha dibada.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Madaxda dalka Spain uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Burcad badeedka, xilli Dowladda Spain ay gacanta ku heyso dhalinyaro Soomaaliyed oo lagu soo qabtay  falal Burcad badeednimo ah.
dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Spain iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, isagoo kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen Dowladda Soomaaliya.
Aadan Madoobe wuxuu kaloo uu sheegay inuu la kulmi doono Wasiirka Arrimaha Dibada Spain, isagoo sheegay in kulamadii uu la qaatay Madaxda Spain ay gebi ahaantood guul ku dhamaadeen sida uu yiri.
Sida runra ah Dowladda KMG  intii ay jirtay waxay  xoojisay xiriirkeeda arrimaha dibada, iyadoo haatan saaxibo la noqotay dalalka qaaradaha aduunka, kadib markii xiriiradii Dowladahaas ay burbureen markii ay dhacday Dowladii hore.
SomaliSwiss  Madrid
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.